Al-Shabaab Oo Sheegtay Masuuliyada Dilkii Loo Geystay Wariye Jamaal Faarax Aadan

0

Rag Hubeysan ayaa xalay waqooyinga magalaada gaalkacyo ee dhanka puntland ku dileen  alaha unaxariistee wariye jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa rug cadaayaasha saxaafadeed

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka wariye jamaal ,waxaaba ay sheegeen in rag ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay howlgalo ay ka sameeyeen galkacyo ku dileen wariyahaani.

Al-shabaab wararka ay barahooda intarneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in ay  dileen jamaal faarax aadan oo ay sheegeen in uu ahaa   askari ka tirsanaa sirdoonka maamulka Puntland gaar ahaan qeybta  dharcadka.

waxaana al-shabaab  ay sheegeen ninkaan xalay ay ku dileen gudaha magaalada galkacyo uu ahaa jaajuus inta badan nafta u keenay   islamrkaasna ay tilmaameen in  uu ahaa mid dadka muslimiinta ah dhibaateen jiray

masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland ayaa ka tacsiyadeedyay geerida wariye jamaal faarax aadan , waxaana ay si aad ah u cambaareeyeen dilka loo geeystay marxuunka.

waa wariyihii ugu horeeyay oo lagu dilo dalka marka laga soo tagay wariye ka tirsana warbaahinta dowladda oo lagu dilay muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here