Kooxa Burcad koonfur afrikaan ah ayaa waxa lagu soo waramayaan in xalay gudaha dalkaasi ay ku dileen muwaadin soomaaliyeed kaasi oo ka mid ahaa ganacsadada soomaaliyeed ee ku ganacsata dalka koonfur afrika.
Wiilkaan soomaaliyeed ee ladilay ayaa waxa la sheegay in goobtiisa ganacsi ay ugu yimaadeen raga hubeysan islamrkaasna ay rasaas ku fureen sidaasna uu ku geeriyooday
muwaadinkaan soomaaliyeed Oo dilkiisa ay inoo xaqiijiyeen dilka marxuunka waxaana ay sheegeen in wiilka soomaaliyeed lagu dilay Magaalada Cape Town ee dalka koonfur afrika
waxaana ay intaasi ku dareen in muwaadinka soomaaliyeed ee la dilay lagu magacaabi jiray Ahmed Abuukar xaaji
dilka kadib waxa la sheegay in goobta ay iskaga baxsadeen kooxdii kadmbeysay dilka muwaadinka soomaaliyeed
dilkaan xalay loo geeystay ganacsadaha soomaalieed ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili booliska dalka koonfur afrika ay mudooyinkii dambe qabqabanayeen rag la sheegay in ay yihiin hogaamiyaasha burcada disha muwaadiniinta soomaaliyeed.
waxaana sii kordhayay maalmihii dambe dilalka loo geeysanayo ganacsatada soomaaliyeed uu ku ganacsatada gudaha dalka koonfur afrika iyadoona dilal dhowr ah loo geeystay wiilal dhalinyaro soomaali ah oo ganacsi u tagay dalkaasi

