Deg Deg :- Qarax Khasaare Geystay Oo Gordhaw Ka Dhacay Muqdisho

0

warar naga soo gaaraya degmada hiliwaa ee gobollka baandir ayaa waxa ay kusoo waramayaan in goordhaweyn masuul ka tirsan dowladda qarax lagu la eegtay xaafad ka tirsan hiliwaa gaar ahaan halka looyaqaano xeyle bariise.

Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa miino wadada hareeraheeda la dhigay islamrkaasna waxa uu si ay wararku sheegayaan haleelay gaari uu lasocday gudoomiye waaxiid ka tirsanaa degaanka daru salaam ee magaalada muqdisho.

Gudoomiye  waaxeedka qaraxa lala beegsaday ayaa waxa la sheegay in lagu magacaabo axmad cade, islamarkaasna uu ka badbaaday qaraxaasi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaxaani waxaana lagu soo waramayaan in qaraxu uu geeystay qasare kala duwan oo iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac

waxaana la sheegay in qaraxa uu ku geeriyooday hal askari oo ka mid ahaa ilaalada gudoomiyaha iyadoona wali aan si rasmi ah loo xaqiijin qasaaraha ka dhashay qaraxaani .

wixii kusoo kordha  halkaan kala soco

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here