Dowladda Soomaaliya Oo Si Kuluul Uga Hadashay Warqad Kasoo Baxday Dowladda Imaaraadka

0

xukuumada Soomaaliya ayaa waxa ay maanta si kuluul uga falcelisay warqad xalay kasoo baxday dowoladda imaaraadka carabta taasi oo lagu sheehgay in soomaaliya ay ka jirto dowlad ku meel gaar ah

wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada faderaalka soomaaliya cusmaan abuukar dubbe  ayaa waxa uu ka hadlay arima badan oo ku saabsan warqad qoraal ah oo xalay kasoo baxday dowladda imaaraadka,waxaana uu sheegay in war qadaasi ay aheyd mid meel ka dhac ku ah qaranimada soomaaliyeed islamrkaasna ay dowladda soomaaliya jawaab uga baahantahay imaaradka taasi oo ku aadan galka ay u geeysatay dowladda iyo uamda soomaaliyeed.

wasiir dubbe ayaa waxa uu sheegay in dowladda soomaaliya iyada oo og gafka loo geeystay iyo waxyaabaha u muuqda ay hada ilaalineyso xiriirka walaltinimo ee kala dhaxeysa dowladda imaaraadka islamrkaasna ay qadarineyso wali.

waxaana ay dowladda soomaaliya ay imamaaradka ka dalbatay in raali galinka bixiso warqadaasi.

wasiirka ayaa soo hadal qaaday xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira , waxaana uu sheegay in aysan jirin dowladda aqbaleysa in laga hadlo ama la faragaliyo arimaha doorashadeeda

waxaana uu sheegay in ay jiraan dowladde badan oo faralin ku haya soomaaliya islamrkaasna doonaya in ay soomaaliya dib ugu celiyaan dagaalo sokeeye

wasiir dubbe ayaana dagniin adag u diray dowladdaha isku dayaya in soo faragaliyaan arimaha doorashooyinka si ay u gaaraan danahooda gaar ka ah aysan marnaba  ka aqbali doonin arintaasi

Sidookale waxa uu xusay wasiirku in ay lasocdaan in ay jiraan dowladdo iyo dad ka xun dowladnimada soomaaliya ee soo ifeysa kuwaasi oo uu sheegay in ay  isku dayayaan in ay dumiyaab balse aan laga yeeli doonin .

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here