Waxaa si rasmi ah duulimaadyadooda dib u billaabay shirkadaha diyaaradaha Turkish Airline, Ethiopian Airways iyo Uganda Airline kuwaasoo hakiyay duulimaadkooda Garoonka Aadan Cadde maalin ka hor.
Wasiirka Gaadiidka Cabdullaahi Salaad Oomaar oo hadda ku sugan Garoonka ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo dib u bilaabidda duulimaadyada caalamiga ah
sidoo kale waxaa si caadi ah u socda Duulimaadyada ay Muqdisho ku imaanayaan diyaaradaha Djibouti Air, Hala Airlines, Daalo iyo diyaaradaha hay’adaha caalamiga ah sida WFP, UN.
duulimaadyadni maanta dib u bilaawday ayaa waxa ay imaanayaan xili rabshade ka dhacay guadaha magaalada caasimada ah uu muqdsho ay saameyn ku yeesheen garoonka diyaarada aadan cade iyadoona ay dhamaan ay joogsadeen duulimaadyadii dalka kadib markii hoobiye uu ku dhacy qeyb ka mid ah garoobka diyaaradaha

