Dowladda Soomaaliya Oo Rabshadihii Ka Dhacay Muqdisho Ku Eedeysay Ilaalada Musharaxiinta

0

war Qoraal ah Oo Ka soo baxay wasaarada arimaha dibbada Xukuumada soomaaliya oo ku qornaa afka ingiriisiga ayaa waxa lagu eedeeyay  in falkii shalay ka dhacay muqdisho ay ka dambeeyeen ilaalada musharaxiinta islamrkaasna ay cambaareynayso dowladda soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa rabshadaha ka dhanka ah xubnaha ka tirsan Ciidamada Amniga Soomaaliya ee ay geysteen shaqaalaha amniga ee musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha habeenimadii 19-kii Febraayo 2021.

Waa in la ogaadaa, xuquuqda mudaaharaadku waa xuquuq muwaadin kasta oo aan la dafiri karin, oo uu qeexayo dastuurkeenu laakiin maaha kacdoon hubaysan oo ku gabbanaya mudaharaad siyaasadeed. Halkii laga taageeri lahaa dhammeystirka arrimaha taagan ee ku saabsan hirgelinta heshiiska siyaasadeed ee 17 Sebtember musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa doortay in ay kiciyaan qalalaase.

Runta fudud ayaa wali ah doorashooyinka ayaa ah wadada kaliya ee loogu talagalay kala guurka oo aan kobcin xiisadda dastuurka ama taageerida kacdoonka.

Nasiib darrose, kuwa u hanqal taagaya inay qabtaan xafiiska ugu sarreeya dalka oo doonaya inay hoggaamiyaan qaranka Soomaaliyeed waxay isku dayeen inay keenaan xasillooni darro xilligan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka heleysa shacabka Soomaaliyeed ay ilaalinayso sharafta iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyadoo ay dib u soo ceshanayaan sharafta iyo karaamada iyadoo loo siman yahay dawladaha adduunka.

Dadka Soomaaliyeed way nasan karaan iyaga oo hubinaya horumarka ummaddeenna aan la hareereyn doonin ama la joojin doonin. DFS waxay qaban doontaa doorasho si loogu gogol xaaro in horey loogu socdo xaqiijinta himilada dadka Soomaaliyeed ee ah nabad iyo barwaaqo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here