Ciidmada maamulka puntland ayaa howlgalo qorsheysan waxa ay saacadiihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka gardafuu
howlgalkaan aya awaxa la sheegay in ay fuliyeen ciidamada si gaar ka ah u tababaran Pmpf loo yaqaano oo ka shanaya ciidamada madaxtooyada puntland
waxaana ay sheegeen in howlgaladaan ay ka sameeyeen goobo ay kooxa hubeysan oo maleeshiyaad ah go,odoomiyeen islamrkaasna ay dadka shacabka ah xoolo baad ah kaga qaadijireen.
maleeshiyaadkaan ayaa waxa la sheegay in ay yihiin kwa ka goostay ciidamada maamulka puntland.
ciidamadaan oo ka soo kicitimay magaalada bargaal ayaa waxa ay dagaal toos ah ku qaadeen kooxdii hubeysneyd waxaana ay dagaal fool ka fool ah kula galeen deegaanka lafagoray oo ka tirsan gardafuu islamrkaasna la sheegay in muddo dhowr cishpo ah ay u xirneyd kooxda maleeshiyada ah
qoraal kasoo baxay mamaulka puntland ayaana lagu sheegay in kooxdii maleeshiyada aheyd ay firxadeen islamrkaasna ay qaar ka mid ah gacanta ku dhigeen kuwa kalana ay ku raad joogaan saacadaha soo socdana ay gacanta kusoo dhigi doonaan
ciidamada maamulka puntland saraakiisha hogaamineysay waxa ay sheegeen in howlgalkaan ay kusoo qabteen hub ,saanad ciidan iyo gawaari dagaal
waxaana la sheegay in ciidamada oo sii wata howlgalkooda ay fureen wadooyin dhowr ah oo ay go,odoomiyeen maleeshiyaadka goostay.

