Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Dhexe

0

Ciidamo Ka tirsan dowladda gaar ahaana ciidanka  kumaandoosta danab ayaa waxa lagu soo waramyaa in howlgalo qorsheysan ayaa saacadihii aanu soo dhaafnay ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe.

Ciidanka kumandooska danab ayaa  hawlgallo nabad sugid ah  ka sameeyey deegaanada War ciise,  Maja badan,  Qor dhere, Bulo gannay, ka dheereey iyo kulan oo Dhamantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ururka 7aad  ee Guutada 16aad ee Ciidanka kumandooska danab Dhame Xasan maxamed cisman  oo hogaamiyanyey hawlgalka ayaa sheegay  in u jeedka hawlgalku u ahaa in Lagu Bur Buriyo Fariisamo  al-shabaab kulahaayeen  deganaakaas  kuwaas oo isugu jiray Goob maxakamad u ah  iyo meela xarumo ah oo ay kulahyeen Gobolka shabeelaha dhexe.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa Shacabka Somaliyeed Ka Codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Si Looga guulaysto dagaalmyaasha al-shabaab.

Hawlgalkan  ayaa intii uu socday waxa la sheegay in iska hor’imaad xoogan uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha al-shabaab

Warkasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in  Ciidanka kumandooska danab ay howlgalka ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab  islamarkaasna ay qaar kalana nolosha lagu qabtay iyagoo hubaysan.

Howlkaan ayaa waxa  saraakiisha ciidanka dowladdu sheegeen in lagu burburiyay goobo fara badan oo ay dagaalamayaasha al-shabaab ku la haayeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe

Sidoodale Hawlgalkan ayaa waxa la sheegay in ay fuliyeen ururka 7aad ee Guutada 16aad Ciidanka Kumandooska Danab

Iyadoonahowlgalka la tilmaamay in uu ahaa mid ka mid ah  hawlgalada guud ee ka dhan ah dagaalamayaasha alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here