Wararka naga soo gaaraya dalka koonfur afrika ayaa waxa ay sheegayaan in xalay muwaadiniin soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaas.
Waxaana la sheegay in muwaandiniintaan ay kooxo burcad koonfur afrikaan ah ay ugu tageen goobohooda ganacsi islamrkaasna ay ugeeysteen qasaare kale duwan oo iskugu jira dil iyo dhaawax
Warar ayaa sheegay in gudaha dalka koonfur afrika xalay lagu dilay laba qofood oo ka mid ahaa Muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku ganacsata dalkaas kuwaas oo la sheegay in ay walaalo Ahaayeen
Labada wiil ee walaalaha ah ayaa wararku ay xaqiijinayaan in mid ka mid ah Geeriyoday Halka midka kale uu dhaawac Halis Soo Gaaray
Qaar ka mid ah eheladda muwaadiniintaan soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in xalay laba wiil oo lagu kala magacaabayay c/naasir iyo maxamed lagu weeraray goobo tukaan ah oo ay ku lahaayeen dalka koonfur afrika islamrkaasna waxa ay xaqiijinyeen c/naasir jamaame uu geeriyooday halka maxamed jamaame oo waalalkii ah uu dhaawac soo gaay. burcad
Kooxaha Burcadda ee weerarka gaysatay, ayaa sidoo kale waxa la sheegay in ay dhac u gaysteen goob kale oo Dukaan ah , waxaana la sheegay in ay baxsadeen kooxda burcada ah ka hor inta ay Ciidanku soo gaarin goobta.
Sidookale xalay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Xuseen ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika.
Mudooyinkii dambe waxaa soo badanayay dilalka muwaadiniinta soomaaliyeed loogu geeystay gudaha dalka koonfur afrika
Waxaana la sheegay in aysan jirin wax talaabo ah oo dowlada koonfur afrika ay uqaaday wax ka qabashada dhibaatada loo geeysanayo dadka soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaasi.

