Ciidamo Ka tirsan dowladda gaar ahaana ciidanka kumaandoosta danab ayaa waxa lagu soo waramyaa in howlgalo qorsheysan ayaa saacadihii aanu soo dhaafnay ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe.
Ciidanka kumandooska danab ayaa hawlgallo nabad sugid ah ka sameeyey deegaanada War ciise, Maja badan, Qor dhere, Bulo gannay, ka dheereey iyo kulan oo Dhamantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Taliyaha ururka 7aad ee Guutada 16aad ee Ciidanka kumandooska danab Dhame Xasan maxamed cisman oo hogaamiyanyey hawlgalka ayaa sheegay in u jeedka hawlgalku u ahaa in Lagu Bur Buriyo Fariisamo al-shabaab kulahaayeen deganaakaas kuwaas oo isugu jiray Goob maxakamad u ah iyo meela xarumo ah oo ay kulahyeen Gobolka shabeelaha dhexe.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa Shacabka Somaliyeed Ka Codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Si Looga guulaysto dagaalmyaasha al-shabaab.
Hawlgalkan ayaa intii uu socday waxa la sheegay in iska hor’imaad xoogan uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha al-shabaab
Warkasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka kumandooska danab ay howlgalka ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab islamarkaasna ay qaar kalana nolosha lagu qabtay iyagoo hubaysan.
Howlkaan ayaa waxa saraakiisha ciidanka dowladdu sheegeen in lagu burburiyay goobo fara badan oo ay dagaalamayaasha al-shabaab ku la haayeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe
Sidoodale Hawlgalkan ayaa waxa la sheegay in ay fuliyeen ururka 7aad ee Guutada 16aad Ciidanka Kumandooska Danab
Iyadoonahowlgalka la tilmaamay in uu ahaa mid ka mid ah hawlgalada guud ee ka dhan ah dagaalamayaasha alshabaab.

