Ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hrshabeelle.
Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta iyo xaqiijinta amniga magaalada jowhar iyo deegaanada hoosyimaada .
Muddada uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, guryaha iyo dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada jowhar ka dhaca.
Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Labo Xidigle Xasan Cabdulle Dhaqane ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay labo ruux oo la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska magaalada.
Taliyaha waxa uu sidoo kale u mahadcliyay shacabka ku nool caasimadda Hirshabeelle oo la sheqeeyay inta ay howlgalka wadeen ciidamada.
howlgaladaan ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili mudooyinkii dambe ay magaalada jowhar deegaano hoosyimaada ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah
waxaana maamulka hirshabeele uu sheegay in aysan aqbali doonin islamarkaasna ay ka hortagayaan in falal amni daro ay ka dhacaan magaalada

