Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay Oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Qarax ayaa waxaa la sheegay in xalay fiidkii uu ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada kismaayo waxaana la sheegay in qaraxa lala beegsaday mas’uul katirsanaa maamulka Jubbaland iyo ciidamo ilaala u ahaa.
al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarlka qarax loo adeegsaday ee xalay ka dhacay magaalada kismaayo
al-shabaab warar ay ku faafiyaan barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen weerar qarx ah ay la beegsadeen masuuliyiin ka tirsanaa maamulka jubbaland kuwaas oo iskugu jiray agaasimayaal iyo wasiiro
war rasmi ah oo kasoo baxay dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxa uu aahaa mid xoogay islamrkaasna ay qasaaro ku gaarsiiyeen masuuliyiintii katirsanaa maamulka axmed madoobe
waxaana ay sheegeen in qaraxa uu ku dhaawacmay Max’med Khaliif oo ah agaasimaha wasaaradda Kaluumeysiga dowlad goboleedka Jubbaland iyagoona intaas ku daraya in qaraxa uu ku dhaawacmay sarkaal kale oo katirsanaa maamulka Axmed Madoobe.
majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka jubbaland oo looga hadlayo qaraxa ka dhacay magaalada kismaayo oo xun kumeer gaara u ah maamulka jubbaland
