
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar culus oo khasaare kala duwan geeystay lagu qaaday xalay saldhigga ciidamada Itoobiya ay kulahaayeen degmada Luuq ee gobolka gedo
ila deegaanka ah ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo labada dhinac is dhaafsanayeen balse aysan sheegi karin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Al-shabaab ayaa wararka ay ku qoraan barakooda interneetka ku sheegtay in weerar dhowr jiho ah ay ku qaadeen ciidamada amisom gaar ahaana ciidamada itoobiya islamtkaasna y qasaaro gaarsiiyeen
warkasoo baxay al-shabaab ayaa waxa kaloo lagu sheegay in isla xalay weeraro kale ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, weerarada oo ahaa kuwa isku xiran ayay sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiiyeen dhowr saldhig oo kuyaal gobolo kala duwan.
Sidoo kale dhowr saldhig oo ciidamada amisom ay ku leeyihiin Jubbada Hoose ayaa lasoo sheegayaa in laweeraray,
waxaana al-shabaab ay sheegeen in ay weeraro kale la beegsadeen saldhigyo kuyaal deegaannada Mukayga iyo Sabiid oo dhammaantood hoos yimaad degmada Afgooye ee gobolka jubbada hoose.
al-shabaab wax faahfaahin ah kama bixin qasaaraha ka dhashay weerarada ay sheegeen in ay ku qadeen ciidamada amisom balse waxa ay sheegeen in weeraro ay fuliyeen oo kaliya manjirto warar madaxbanan oo xaqiijinaya qasaaraha weeraradaasi ka dhashay
