waxa maanta oo Isniin ah oo ay Tar 08 February lagu in xildhibanaada barlamaanka soomaaliya gaar ahaana xildhibaanada golaha shacabka ay kulan xasaasaa ah ku yeeshaan xaruntooda ku meel gaar ka ah ee villa hargeysa ee magaalada muqdisho
xidhibaanada golaha shacabka ayaa waxa la sheegay in vwaqti hore oo xalay ah lagu wargaliyay in uu maanta jiro kulankii caadiga ahaa ee xildhibaanada golaha shacabka islamrkaasna loobaahanyahay in xildhibaan kasta uu soo xaadiro kulanka oo looga doodayo mshaciyo muhiim u ah dalka
Agendaha kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa ah Akhrinta 3aad ee Wax Kabadelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1aad,2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya
waxa kaloo la sheegay in kulanka maanta xildhibaanadu ay dood adag ka yeelanayaa Warbixin ku sahabsan wax – qabadkii 100 maalmood ee Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxa uu kusoo aadayaa xli kulamadii ugu dambeeyay oo ay yeesheen xildhibanaada golaha shacabka uu hareeyay buuq farabadan kaas oo kusaabsan in uu dhamaaday mudda xileedka madaxweynaha iyo kan xildhibaanada golaha shacabka
waxaana xusid mudan in horay loo sheegay in xidhibaanadu ay sii joogayaan tan iyo inta laga soo dooranayo xildhibaano iyaga badala si firaaq dastuuri ah uusan u dhicin
sidookale ilaa iyo hada majirto wax saan saan muuqda ah oo lagu soo dooranayo xildhibaano cusub ama doorasho lagu galayo iyadoona ay jirto in arintaasi ay aad uga careysanyihiin siyaasiin xildoon ah kuwaas oo aan ku qanacsanayn in kuraasta lasikaga fadhiyo doorashana aan la galin

