warar ka imaanaya dalka koonfur afrika ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay gudaha dalka koonfur afrika kooxa burcad ah ay ku dilay muwadin soomaaliyeed
wiilkaan soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxa la sheegay in uu ka mid ahaa muwaadin soomaaliyeed ee ku ganacsatada gudaha dalka koonfur afrika
Muwaadinkaan Somaliyeed ayaa waxa la sheegay in lagu Magacaabi jiray Xuseen Ibraahim Kamaal (Xuseen Dhere)
muwaadinin soomaaliyeed oo ku sugan dalka koonfur afrika ayaa waxa ay sheegeen in Marxuumka ay Toogteen kooxa Burcad koonfur afrikaan ah oo doonayay in Dhac ay u Gaystaan Dukaankiisa oo ku Yaala Magaalo Xeebeetka Cape Town ee dalka koonfur afrika.
muwaadininta soomaaliyeed ayaana waxa ay intaasi ku dareen i hada ay qabanqaabinayaan duugta wiilka soomaaliyeed ee la dilay isagoo ku shaqeysanaya goobtiisa ganacsi.
dilka kadib waxa la sheegay in goobta ay iskaga baxsadeen kooxdii ka dambeysay dilka muwaadinka soomaaliyeed
majirto ilaa hada wax tilaabo ah oo ay qaaday dowlada koonfur afrika oo sharci u ogalaanaya ganacsiga siisay muwadinka soomalaiyed
sidookale majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda soomaaliya oo looga hadlayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee lagu dilay gudaha dalka koofur afrika
waxaana la sheegaa in ganacsatada soomaaliyeed sababta loo beegsado ay tahay in hormaro badan ay kasameeyaan dhanka ganacsiga islamrkaasna ay yihiin dad maskax badan oo leh fikrad iyo hal abuur ganacsi

