Qasaare Ka Dhashay Ciidanka Puntland Oo Howlgalo Kusoo qabtay Gaari La Dhacay

0

warar ka imaanaya deegaanada maamulka puntland ayaa waxa ay soo sheegayaan in ciimada booliska maamulka puntland ay gacanta kusoo gaari laga dhacay dad shacab ah

ciidamada booliska puntland ayaa waxa la sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada dhahar ay kusoo qabteen gaari la dhacay iyo nin hubeysan oo gaarigaasi dhacay

wararku waxa ay sheegayaan in saacado kooban uu iska hor imaad xoogan uu dhexmaray ciidamada booliska ee howlgalka waday iyo nin ka hubeysan ee gaariga dhacay ,waxaana iska hor imaadkaasi  ka dhashay qasaare kala duwan oo dhaawacyo u badnaa

ila deegaanka ah ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasas badan oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen

qsaaraha ka dhashay howlgalka ayaa waxa lagu sheegay in ay ku dhawacmeen ilaa iyo laba qof oo uu ku jiro ninkii gaariga dhacay oo dhaawaca iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada booliska maamulka puntland ee howlgalka sameenayay

ugu dambeyn ciidamada booliska mamulka puntland  ayaa waxa la sheegay in ay ku guuleeysteen in ay gacanta kusoo dhigaan gaarigii la dhacay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here