warar ka imaanaya deegaanada maamulka puntland ayaa waxa ay soo sheegayaan in ciimada booliska maamulka puntland ay gacanta kusoo gaari laga dhacay dad shacab ah
ciidamada booliska puntland ayaa waxa la sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada dhahar ay kusoo qabteen gaari la dhacay iyo nin hubeysan oo gaarigaasi dhacay
wararku waxa ay sheegayaan in saacado kooban uu iska hor imaad xoogan uu dhexmaray ciidamada booliska ee howlgalka waday iyo nin ka hubeysan ee gaariga dhacay ,waxaana iska hor imaadkaasi ka dhashay qasaare kala duwan oo dhaawacyo u badnaa
ila deegaanka ah ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasas badan oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen
qsaaraha ka dhashay howlgalka ayaa waxa lagu sheegay in ay ku dhawacmeen ilaa iyo laba qof oo uu ku jiro ninkii gaariga dhacay oo dhaawaca iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada booliska maamulka puntland ee howlgalka sameenayay
ugu dambeyn ciidamada booliska mamulka puntland ayaa waxa la sheegay in ay ku guuleeysteen in ay gacanta kusoo dhigaan gaarigii la dhacay

