
Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in rag lagu Tuhmaayo in ay ka Tirsan yihiin al-shabaab ay af-dubteen Macalimad Baro ka aheyd gobolka waqoooyi Bari ee dalka Kenya
Waxaa la sheegay in ay af-dubteen kooxo lagu Tuhmaayo in ay ka Tirsan yihiin al-shabaab xili ay la socotay gadiidka laga isticmaalo Gobolka woqooyi Bari Kenya oo loo yaqaano matatu sida uu sheegay Taliyaha Booliska xarida dadaab Raphael kamilo
Dhanka kale Kooxda ku Hubeysan Hubka fudud ayaa la sheegay In rasaas ay ku Fureen baabuurka ay la socotay judy Matua oo aheyd Macalimad Gobolka waqooyi Bari ka shaqeysa
Ilaa hada lama Ogo Halka ay geeyeen kooxda Hubeysan macalimada ka shaqeyn Jirtay Gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya
Dhanka kale Xarakada Al-shabaab wali Kama Hadlin af-duubka ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Woqooyi Bari wadanka Kenya
