Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya oo dhawaan Gudoonka Baarlamanka u Gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyahaha soomaliya ayaa ka Hadlay kulanka Maanta ka dhici doono Magaalada Muqdisho
Xildhibaan C/laaahi Goodax Barre oo kamid ah xildhibaanada Mooshinka kawada Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ka qeyb Gali doonin kulanka Maanta Magaalada Muqdisho ka dhici doono
Sidoo kale Xildhibaan C/laaahi Goodax Barre ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari in uusan aheyn mid dhaxdhaxaad ka ah Mooshinka laga Gudbiyay Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud
Xildhibaan C/laaahi Goodax Barre ayaa sidoo kale ka Hadlay xildhibaano dhawaan lagu qanciyay in ay ka laabtaan mooshinka laga Gudbiyay Madaxweynaha soomaliya wuxuuna ku Tilmaamay xildhibaanadaas kuwa si kale loo qanciyay dhankooda mowqifkooda uu yahay mid cad
Xalay ayay aheyd markii Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya maxamed sheikh Cusmaan Jawaari uu war-saxaafadeed ka soo saaray kulanka Maanta dhaxmari doona xildhibaanada saxiixay mooshinka Madaxweynaha iyo Madaxda dowlada soomaliya

