Agaasimihii Madaxtooyadda Villa Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Fuursade oo Iscasilay

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xilkii uu isaka casilay Agaasimihii Madaxtooyada Villa Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Fuursade.

Sida ay sheegayaan wararka agaasimaha oo xilka hayay muddo sanad ah ayaa shaqada ugu tagay arrimo isaga gaar u ah,wuxuuna dib ugu laabtay dalkiisa labaad ee Canadda.

Agaasimihii Madaxtooyada Villa Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Fuursade ayaa kamid ahaa shaqsiyaadkii sida weyn loogu sadaalinayay xilka Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya,kadib markii raisulwasaaraha hore shaqada laga eryay.

Bishii May ee sanadkii 2019 ayaa xilka Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabay Dr. Nuur Fuursade oo saaxib dhow ay ahaayeen Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo, Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa soo maray illaa shan agaasime.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here