Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo Geysay Xaduudka Soomaaliya iyo Kenya+Dhageyso

0

Ciidamo horleh oo ka tirsan ciidamada dowlada Faderalka somalia gaar ahaana kuwa gorgor oo gaaray degmada doolow ee gobolka gedo ayaa lagu soo waramayaa in maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan degaano hoosyimada degmada doolow iyo degano dhaca xudduud ka ay wadagaan somalia iyo ithobia

Ciidamadaan oo ah kuwa sida gaar ka ah u tababaran ee gorgor ayaa waxa la sheegay in uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka xasilinta gobolka gedo waxaana durbadiiba la sheegay in ciidamadu ay halkaasi ka bilaabeen howlgalo iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan

Taliska ciidankan hogaaminayay ayaana sheegay in halkaasi ay ciidanka xasilintu u tageen isfahan dhexmaray dowlada faderalka ah iyo maamulka jubaland

Sidookale taliyaha xasilinta gobolka gedo bakaal kooke oo warbaahinta la hadlaya ayaa sheegay in Al shabab ay ka saarin doonan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka gedo

Sikaastaba hahahatee dowlada somalia ayaa ciidamadamo horleh oo ka tirsan ciidamada dowlada gaar ahaa kuwa sida gaarka ah utababaran ee gorgor oo ayso tababartay dowlada turkiga geeysay degmada doolow ee gobolka gedo waxaana la ogeyn sababta rasmi ga ah ee ciidamadaan dowladu ugeysay degmadaasi

Sidooklana madaxda dowlada faderalka ah ee somalia wali kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ciidamadaan loo geyay deegaanada dhaca xuduudka gaar ahaa halka ay wadagaan ethobia iyo somaliya

balse Taliska hogaaminayay ciidanka ayaa sheegay inay sameynayaan howlgalo ka dhan ah dagaalamayasha al shabab oo dagaal kula jira dowlada faderalka somalia

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here