Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaaladda Muqdisho.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah akhrinta kowaad ee Wax Ka Badelka Sharciga Burcad Badeedka,iyo dib u-eegista miisaaniyadda dalka ee 2020.
Golaha wasiirrada ayaa 31-kii octobar ee sanadkii tagay ee 2019 kii cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan.
Dib u-eegista miisaaniyadda dalka ee 2020. Ayaa timid kadib markii mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba loo qoondeeyay mushaar dhan $200 bil waliba.

