Mareykanka oo Sheegay In Duqeyn Dhacday Lagu Dilay Dad Shacab ah

0

Dowladda Mareykanka ayaa qiratay in diyaaradaheeda wax duqeeya ay Duqeyn la beegsadeen goob dad shacab ay ku sugnaayeen.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday, nawaaxiga Degmadda Jilib 2-dii Febraayo 2020-ka,waxaana ku dhintay hal ruux.

Taliska ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala qaaradda Afrika ee AFRICOM oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in duqeynta uu ku dhintay hal ruux khasaare kalana uusan jirin.

“Nasiib Darro, waxaan rumeysanahay in howlgaladeena uu ka dhashay dhimashada hal ruux oo rayid ah iyo saddex dhaawac ah kuwaasoo aan ahayn yoolka aan lahayn,waxaan ku dadaali doonaa sidii aan uga hortagi lahayn in howlgalada lagu doonayo in lagu soo celiyo xasiloonidii iyo amnigii dalka Soomaaliya inaysan waxyeelo ka soo gaarin dadka rayidka ah.”ayuu yiri taliyaha ciidamada AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here