Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta ku wajahan magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota Magaaladda Dhuusa-mareeb waxaana magaaladdaas gaaray Wasiiro iyo Xildhibaano Dowladda ka Tirsan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya wajiga Labaad ee Shirka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda oo ka furmaya Magaaladdaas.
Wajiga Labaad ee Shirka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda ayaa ah mid xasaasi ah,waxaana magaaladda ku sugan Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya iyo iyo dhinacyadda siyaasadda Soomaaliya.

