34-kun oo Isugu Jira Wiilal iyo Gabdho oo U Fadhiisanaya Imtixaanka Shahadiga

0

Maanta oo Sabti ah Ardeyda Dugsiyadda Sare ee Gobolka Banaadir iyo Goboladda dalka ayaa u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ee Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

34-kun oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa u fadhiisanaya imtixaanka,waxayna ku galayaan Meelo kala duwan Sida Goboladda Banaadir, Jubbaland,Hir-shabeelle,Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ardeyda maamulka puntland ayaa imtixaankooda u fadhiistay  todobaadkii aynu soo dhaafnay,waxaana jira khilaaf u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Puntland.

Amaanka Goobaha lagu galaayo Imtixaanka Shahaadiga ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana amniga Sugaya Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here