Waa xurguftii ugu dambeysay ee dhanka ganacsiga ee u dhaxeysa Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub, kaas oo salka ku haya ganacsiga labada dhinac iyo culeysyada soo food-saaray, Inkabadan 10 sano, Mareykanka iyo Yurub ayaa isku eedeynayay in midba midka kale uu saaray canshuur dheeraad ah.
Bishii lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa ku hanjabay in badeecadaha Yurub laga keeno ee dalkiisa la geeyo sida khamriga uu canshuur dheeraad ah saari doonaa, go’aankaas oo ka careysiiyay dalalka Yurub.
Haseyeeshee hanjabadaas waxaa ka hadlay madaxa midowga Yurub u qaabilsan arrimaha ganacsiga, Phil Hogan oo sheegay in xukuumadda Washington ay ku gacan seyrtay dedaal la doonayay in xal looga gaaro ismarinwaaga u dhaxeeya labada djhinac.
“Waxaan rabaa in aan dadka u xaqiijiyo in aan diyaar u nahay in aan si adag uga jawaabno haddii Mareykanka wixii aan fileynay aan ka weyno, taas oo la xiriirta muranka 15 sano ee lasoo dhaafay soo jiitamayay,” ayuu yiri Hogan oo la hadlayay guddiga baarlamaanka Yurub u qaabilsan arrimaha ganacsiga.
Hey’adda ganacsiga adduunka ee WTO ayaa horay sharci darro ugu tilmaamtay lacago uu Mareykanka dul saaray shirkadda diyaaradaha sameysa ee Yurub.

