Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0

Qaax  jugtiisa laga maqalay qaybo badan oo magaalada muuqdisho ka  mid ah ayaa  ka dhacay qayb o ma mud ah degmada hodan ee Gobalkani Banaadir, waxaana qaraxu uu si gaar ah uga dhacay aga-gaarka Madaxtooyadii hore ee cabdi Qaasim salad Xasan.

Wararka yaaa intaas ku daraya in qaraxu uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa lala eegtay sida ay goob joogayaal inoo xaqiijiyeen ciidan Boolis ah oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay, lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas.

Marka uu dhacay qaraxu ka dib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda  kuwaas oo hakad galiyay isku socodka guud ee goobta uu qaraxu ka dhacay.

Bishii hore ee June 18-keedii ayey aheyd markii qarax noocan oo kale ah uu ka bad-baaday taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka Xoogga Dalka Jen. Maxamed Cali Bariise, kaas oo lagula eegtay agagaarka meesha uu maanta qaraxa ka dhacay, balse wuxuu khasaare xoogan qaraaas ka soo gaaray dad shacab ahaa oo la socday mooto Bajaaj.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here