Faah-Faahinno Dheeraad ah oo Laga Helayo Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada muqdisho, waxaana qaraxaas ka dhshay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Waxaa si gaar ah uu uga dhacay qaraxu degmada Hodan ee Gobalkani Banaadir gaar ahan dhabarka dambe ee safaarada Dowladda Qatar ku leedahay Magaalada Muqdisho oo ku dhow Madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim Xaafadda Taleex.

Inta la xaqiiyay waxa ku dhintay qaraxaas laba Askari, waxaana ku dhaawacmay seddex ruux oo dad shacab ah ay ku jiraan, qaraxa ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidanka dowladda oo howlgallo ka sameeyay aga-gaarka uu qaraxu ka dhacay.

Hay’adaha ammaanku wali kama hadlin qaraxaan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, sidoo kale ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan balse qaraxyada noocaan ah waxaa inta badan fuliya dagaalamayaasha shabaab, inkastoo aysan sheegan falkaan ka dhacay muqdisho ee qaraxa kasoo lala-beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here