Deni Oo Joojiyey Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland .

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegto Lr. 03 kuna saabsan Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland

Ku: ​Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta.

Ku: ​Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada

Ku: ​Wasaradda Amniga iyo DDR

Ku: ​Taliyaha Ciidanka Daraawiishta

Ku: ​Taliyaha Ciidanka Booliska

Ujeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland

Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/07/2020 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland.

Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland.

Wareegtadan ayaa dhaqangelaysa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here