Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabduwali Shiikh Ibraahim muudey ayaa kulan la qaatay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif sheikh axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud.
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo qoraal soo dhigay bartiiisa bulshadda ayaa ka hadlay waxyaabaha ay kala hadleen Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya cabduwali Shiikh Ibraahim Muudey.
“Waxaan aniga iyo Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud aan xarunta Madasha Xisbiyada Qaran kula kulannay guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Mudane Cabdiweli Ibraahim Shiikh Muudeey.
Ujeedka kulankeenna wuxuu ahaa in xaaladda dalka leyska wareysto gaar ahaan in Guddoonka Golaha Shacabka uu warbixin la wadaago Madasha Xisbiyada Qaran oo talooyin dhowr mar oo hore u jeedisay hoggaanka dalka.
Si gaar ah waxaan uga doodney baahida loo qabo in doorashooyinka waqtigooda ay ku dhacaan, ayna noqdaan kuwa laga wada tashaday oo loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar, loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro maanta, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo damaanad lagu xaqiijinayo dhammaan qabsoomidda howlahaas baaxadda leh oo ay noo muuqato in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn.
Waxaan kaloo isla garannay in wada hadallada la sii wado si ay u sahlanaato in isfaham buuxa laga gaaro arrimaha xasaasiga ah ee ku gadaaman doorashada Qaranka, ayna tahay in maankana lagu hayo dhinacyada muhiimka u ah hanaankaas oo ay tahay in dadaal xooggan lageliyo sidii loogu qancin lahaa, si loo helo aragti mideysan oo ay kadhalan karto kalsooni iyo in lagu wada qanco habka doorashooyinka oo loo marayo dariiqa saxda ah ee uu qabo dastuurka KMG ee Soomaaliya.

