Akhriso:-Meydka Gabar Yar oo La Gowracay oo Lagu Arkay Gobolka Galgduud

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in saakay deegaan hoos yimaada Deegaanka Godinlabe laga helay Meydka Gabar yar oo la gowracay.

Caaisha Maxamed Shanle oo muddo 15 maalmood ah ay ehelkeedu baadi goobayeen ayaa saakay maydkeeda laga helay deegaanka Cayn oo qiyaastii 15-KM u jira magaalada Godin-labe.

Mid kamid ah Eheladda Qoyska ayaa laga soo xigtay in falka lagu dilay Gabadha yar looga shakisan yahay Habaryarteyda oo dhowr jeer ay ka sheegatay in dhib ku hayso.

Dhanka kale Taliska Booliska Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa shegay in ay wadaan baaritano,islamarkaana dad la tuhmaayo lagu raadjoogo..

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here