SOMA oo Canbaareysay Wariyaal Saaka Lagu Dhibaateeyay Muqdisho

0

Dalladda SOMA oo ah Hay’ad warbaahineed ayaa canbaaraysay  fal ay ciidan ka tirsan ay saaka kula keceen wariyaal ka tirsan Tv-ga Universal oo sida la sheegay ay ciidan ka tirsan dowladda ay qalabkii ka qaateen jirdil-na ay u gaysteen, wariyaasha  ayaa duubayay  bannaanbax  ka dhan  ah dowladda dhexe oo ay dhigayeen dad shacab ah.

SOMA ayaa sheegtay in ay ka xuntahay falka ay ku kaceen ciidanka dowladda” “Wariyaashu waxay xaq u leeyihiin inay duubaan cabashada dadweynaha in ciidamada dowladdu u gacan qaadaan waa sharci darro, waxaan dowladda ka dalbaneynaa in wariyaasha loo soo celiyo qalbkooda raali gelinna laga bixiyo arrintaas xadgudubka ah ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay SOMA.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here