Maamulka Soomaliland oo u Hanjabay Maamulka Puntland

0
calamada Somaliland-iyo-Puntland

Maamulka Soomaaliland aya si kulul uga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray maamulka Puntland , waxaana ay soomaliland ay sheegtay in tallaabo ka qaadi doonto cid waliba oo xuduudaheeda soo fara galisa.

Salebaan Yuusuf Cali Koore oo ah wasiirka warfaafinta Soomaaliland oo warbaahin ta la hadlay ayaa sheegay in ay ka xunyihiin hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kasoo la xariiray xuduudaha ay wadaagaan labada maamul, waxaana madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu ugu Baaqay Somaliland in ay ka baxdo dhulka ay ka heysato Puntland, hadalkaaso oo ay soomaliland ku sheegeen In uu yahay mid daan-daansi ah.

Wasiirka warfaafinta Soomaliland aya sidoo akle sheegay in ay diyaar u yihiin wax wlba oo la xariira in nabad lagu wada noolaado, balse waxaa uu sheegay in maamulkoodu aysan u dul-qaadan doonin faragalin uu sheegay in ay ku hayaan maamulka Puntland.

Maamulada Soomaliland iyo puntland ayaa inta badan waxaa dhexmara khilaafaad la xariira xagga dhulka oo ay mid waliba uu sheegto in uu leeyahay dagaan ahaan. Waxana tiro dhowr jeer ah qarxay dagaal xooggan oo labad dhinac u dhaxeeya walow lagu guuaystay in la damiyo dagaallo dhowr jeer dhexmaray labada maamul.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here