Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay toogteen nin doonaye uu isku qarxiyo dhalinyaro ku biirayo ciidamada xoogga oo tababar loo furayo, waxaana uu sheegay in ay fashileyeen qaraxaas oo la rabay in lagu dhibaateeyo ciidan tababar u socday.
Waxaa uu sheegay in seddex qof ay ku geriyoodeen qaraxaas, iyadoo seddexda ruux e geeriyooday uu ku jiray qofkii is miidaaminayay.
“qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay ka hor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri Gen. Odawaa.

