madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Kaariye Qoor-Qoor ayaa sacadaha soo aaddan waxaa la filayaa in uu gaaro degaamka Baxdo, waxaana socdaalkiisa ku weheliya qar ka mid ah madaxda maamulka Galmudug.
waxaana magaalada ka socda soo dhaweyn ballaaran ay sameeynayaan dadka degaanka, bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa isugu soo baxay magaalada waxaana la arkayaa dadweyne farabadan oo wata boorar ay ku muujinayaan halku dhigyo ay kusoo dhaweynayaan madaxweynaha.
sidoo kale maamulka degaanka ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta Madaxweyne Qoor-Qoor, ayna diyaar u yihiin ay usoo dhaweeyaan si diirran.
dhawaanahaan Axmed Kaariye Qoor-Qoor ayaa waday socdaal uu ku marayay degaanada Maamulka Galmudug waxaana uu horay u booqday degaanno kala duwan oo ka tirsan Mudug iyo Galgaduud.

