Wararka ka imaanaya duleedka degmada Janaale ayaa sheegaya in weeraro dhabbagal ah ay dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ay udhigeen Ciimadamo katirsan dowladda Federaalka Soomaliya oo halkaas ku socdaalayay.
Waxaa la sheegayaa in dagaalkaas uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhawaac leh, waxaana la sheegayaa in dagaalkaas ay ku dhibteen tiro dhinacyadii dagaalamay ah.
Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijinaya in dagaallo fool ka fool ah oo labada dhinac dhaxmaray ay ku dhinteen 8 askari oo dowladda katirsan halka 15 kale ay dhaawacyo soo gaareen.
War lagu daabacay Baraha Internet-ka ee Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas ka danbeeyeen Al-shabaab, waxaana ay sheegeen in ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidanka dowladda.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobalka Shabeellaha hoose oo ay kaga hadlayaan wareerkaas khasaraha badan dhaliyay.

