Wararkii Ugu Danbeeyay Wareer Qaraxyo Ku Billowday oo Ka Dhacay Gobalka Mudug

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar is-miidaamin ah oo saaka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21aad ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Sida wararku sheegayaan weerarkan is qarxinta ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo lagu dhiftay afaafka hore ee koontaroolka ciidanka Xoogga dalka, Jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlay deegaanada Bacaadweyn, isla markaana waxaa weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga ee joogay, halka uu qaraxu ka dhacay.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 21aad ayaa sheegay in Ciidanka ku sugnaa saldhigaas ay ka hortageen weerarka, isla markaana uu jiro Khasaaro, ayna degan tahay xaaladda.

Waxaa la sheegay in saddex Askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka saddex kalena kalena oo ka Agdhaweyd goobta ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana la sheegay in loo qaaday Xarun Caafimaad, waxaana burburay goobta uu qaraxu ka dhacay.

weerarad noocaan ayaa waxaa looga bartay dagaalamayaasha Shabaab, inkastoo aysan jirin cid si toos ah u sheegatay weerarkaan saaka lagu ekeeyay Bacaadweyn hadana waxaa hay adaha ammaanku ay u badinayaan in ay ka danbeeyeen shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here