Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari la shegay in uu qarax waday oo la qabtay,goordhow Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug ku qabtay gaari nooca Soomaalida u taqaano NOAH, kaasi oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo ninkii waday.
Ciidanka Danab qeybta 21-aad xoogga Dalka ayaa la sheegay ayaa in fashiliyeen gaarigaan qaraxa siday, waxaana la sheegay.
Laamaha ammaanka Gaalkacyo wali war rasmi ah kama soo saarin gaarigaan la sheegay in ay gacanta ku dhigeen, balse saacadihii u danbeeyay ciidanka ammaanka ayaa waday howl gallo ay ammaanka ku sugayaan.

