Al-shabaab oo Dil Ku Fuliyay Nin Basaas u ahaa Dowladda Federaalka

0

Al-shabaab ayaa xukun dil ahaa ku Fuliyay nin basaas u ahaa Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare ku yaala degmadda Galhareeri ee Gobolka Galguduud.

Gudoomiyaha Maxkamadda Shabaab ee Galhareeri ayaa sheegay In ninka la toogtay lagu helay in uu basaas u ahaa Dowladda Soomaaliya.

Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Daahir Mire oo ahaa 23 sana jir.

Sidoo kale Ninka ladilay ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu basaas u ahaa sirdoonka dowladda Federaalka ee PS-ta loo yaqaan, waxaa loo xilsaaray in uu xog ka keeno Goboladda Shabeelaha dhexe iyo Galguduud islamarkaana uu lacago dollar ah ku qaatay mashruucaas basaasnimada ah.

Ninkaan ayaa sidoo kale qirtay in uu howgaliyay sarkaal katirsan sirdoonka dowladda kaasi oo lagu magacaabo Xasan Baasto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here