madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Qardho ee Gobalka Bari.
socdaalka madaxweynaha ayaa waxaa ku wheliyaa qaar ka mid ah wasiirada maamulkaas, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho, dadka Magaalada ayaa Deni markii uu gaaray halkaas ayay si diiran ugu soo dhaweeyeen.
wararka qaar ayaa sheegay in Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee halkaas ayaa waxaa uu tahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo Tababar mudooyinkii dambe ugu socday Qardho iyo Badhan.

