Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Dagaal ka dhacay deegaano hoosyimaada deegaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose in lagu dilay dagaalyahano ka Tirsanaa Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in dagaalkaasi al-shabaab looga dilay 2-horjooge iyo 27- dagaalyahan ah kuwaasi oo ilaa iyo iminka meydadkoodu yaalaan tuulada dug-wariiri oo uu dagaalka kadhacay.
“Kadib markii al-shabaab ay tiro hoobiyaal ah kusoo tureen degaano hoosyimaado degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose kuwaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka kudhaqandegaankaasi ayaa waxaa durbadiiba arintaasi jawaab kabixiyay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo uruqaansaday tuulada dug-wariiri oo ay Shabaab kasoo tuurayeen hoobiyayaasha waxaana halkaasi kadhacay dagaal qasaare xoogan lagu gaarsiiyay al-shabaab”, ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir
Jeneraal Cabdixamiid ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka habeen iyo maalin uu utaaganyahay sidii dalka oo dhan looga sifeeynlahaa maleeshiyaadka argagixisada.

