Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Bambo Gacmeed loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday guri ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya.
Weerarkaan ayaa ka dhacay guri ku yaala Bartamaha Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan xaafadda Muuri
Taliyaha Ururka 54aad ee Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Madey Baale, iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Hilaac ayaa la sheegay in lagu weeraray Qaraxyadda gacanta laga tuuro.
Mid kamid ah dadka deeganka ayaa idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho u sheegay in qaraxyadda ay qalqal galiyeen shacabka Degmadda,islamarkaana qaraxyadda kadib la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamadda ilaaladda u ahaa saraakiisha la weeraray.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadda ku dhintay 3-ruux oo goobta ku sugnaa,sidoo kale waxaa jira khasaare ka dhashay qaraxyadda.
Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Wanlaweyn, Maxamed Cabdulle Xasan ayaa dhankiisa sheegay in saddexda qof ee ku dhimatay qaraxyadaasi, halka saddex kalana ay ku dhaawacantay,wuxuuna sheegay in shaqsiyaad loo qabtay qaraxyadda.

