Maamulka Wala-weyn oo Lagu Eedeeyay Hurinta Dagaal Beeleedyada+Dhageyso

0

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa kusoo laab-laabtay dagaal beleedyo u dhaxeeya maleshiyaad wada daga  gobalkaas gaar ahaan  dagmadda wala wayn iyo dagmooyinka hoos yimaada,waxanaa inta badan ay dagaaladaasi ay sameeyaan dadka  shacabaka  ee ku dhaqan  deganadaas gaar ahaan dadka beeraleyda iyo xoola dhaqatada .

Mid kamid ah nabadoonada kaso jeeda  Gobalka Shabeelaha hoose gaar ahaan dagmadda Walaweyn oo la so xiriiray idaacada Simba ee Magaaladdaa  Muqdisho ayaa sheegay in  dagaalka uu  mar kale ka qarxay degmadda islamarkaana qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta ay la safan yihiin mid kamid ah maleshiyaadka dagaalamaya.

Nabadoonka ka tirsan  Nabadoonada kasoo jeeda Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Walawayn ayaa kusoo aadaya  xili dagmada mar kale  ka qarxay dagaal beleedyo u dhaxeeya laba maleshiyaad beleed ee wada daga dagmada walawayn.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here