Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay dib usoo celinayso colaadii ka taagneyd Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya taasi oo u dhaxeysay Maamulka Jubbaland iyo Ciidamadda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Dhaqdhaqaayo ay wadaan ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa laga dareemayaa maanta Deegaano ka Tirsan Gobolka Gedo.
Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka gedo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay In socdaalkii Taliyaha Guud ee Ciidamadda Kenya ee shalay ku yimid Gobolka Jubadda Hoose uu banaanka keenay qorshaha kenya ku dhiirigalinayso wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan oo laga saaray inta badan Gobolka Gedo.
Waxa uu sheegay in wasiirka uu haatan ciidamo yar ku haysto qeybo kamid ah Gobolka Gedo uu haatan dhiirgalin u tahay booqashadda Taliyihaha Guud ee Ciidamadda Kenya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Kenya ay mar walba dhibaato ku hayso jiritaanka qaranimadda Soomaaliya,ayna teegeero siiso Maamulka Axmed Madoobe oo caasimadd KMG ah ka dhigtay magaaladda Kismaayo.
Taliyaha cusub ee dhowaan uu Madaxweynaha dalka Kenya u magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada KDF Gen Robert Kibochi ayaa dhowaan booqasho qarsoodi ah ku yimid dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaano ka tirsan Jubbaland.
Generalka ayaa la sheegay inuu booqday xeryo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya isagoo la kulmay saraakiisha ka howlgasha xeryahaas.
Waaxda Difaaca dalka Kenya ayaa baahisay sawiro Generalka oo la socda qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

