Gudoomiyaha golaha aqalka sare ee dalka Ethiopia Keeriya Ibraahim ayaa kudhawaqday in ay iskacasishay xilka gudoonka golaha aqalka sare ee dalka Ethiopia kadib markii ay soo ifbaxeen dibadbxyo looga soo horjeedo dib udhigista doorashada guud ee dalka Ethiopia iyadoo ay jirto xiisad udhaxeysa xisbiga gudoonka golaha aqalka sare iyo sidoo kale xisbiga haya talada dalkaasi.
Keeriya Ibraahim oo haatan iskacasishay gudoonka golaha aqalka sare ee dalka Ethiopia ayaa waxa ay kamidtahay sarakiisha ugu sarreysa xisbiga xoreeynta dadweynaha tigreega ah waxaana xisbigeeda uu kamidyahay xisbiyada siyaasadeed ee ugu saameeynta badan dalka Ethiopia kaasi oo kasoo horjeestay dib udhigista doorashada guud ee dalka Ethiopia taasi oo dhawaan ay dib udhigeen guddiga doorashada dalka Ethiopia.

