Dowladda faransiiska ayaa shaaca kaqaaday in ay howlgal gaar ah kudileen sarkaal sare oo katirsan dagaalyahannada ururka Alqaacida kaasi oo ahaa hogaamiyaha ururka Alqaacida ee waqooyiga qaaradda Africa sida ay xaqiijiyeen millatariga dalka faransiiska ee kahowlgala dalka maali.
Qoraal kooban oo kasoo baxay howgalka millatariga faransiiska ee dalk maali ayaa waxaa lagu yiri “3dii bishii June ciidamada faransiiska oo taageero kahelaya saaxibadda gudaha waxa ay dileen hogaamiyihii ururka Alqaacida ee waqooyiga dalka maali ninka lagu magacaabo Abdal malik” wasiirka difaaca dalka faransiiska ayaa sidaa kusoo qoray bartiisa tuwiitarka kadib markii laxaqiijiyay geerida hogaamiyihii ururka Alqaacida ee waqooyiga dalka maali,majirto cid dhexdhexaad ah oo xaqiijin karta dhimashada hogaamiyihii ururka Alqaacida

