14 Askari Itoobiyaan ah oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Qaraxyo Shabaab Fuliyeen

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxYO Ciidamadda Ethopia lagula eegtay deegaanno katirsan gobolka Baar ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Qaraxyadda ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee Gobolka Baay.

Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in ilaa lix qarax lala beegsaday kolonyo ciidamo Ethopian ah oo ka amba baxay degmada Qansaxdheere kunasii jeeday dhanka Bardaale.

Sidoo kale warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxyadda lagu dilay 3-askari 11-kalana lagu dhaawacay.

Ciidamadda Itoobiyaanka ee shalay lagu weeraray gobolka Bay ayaa isbuucii lasoo dhaafay saad ugelbiyay dhanka Qansaxdheere waxaana muuqata in isbuucii labaad oo xiriir ah ay wajahayaan weeraro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here