Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay sababaha ay u xiran yihiin mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in xubnaha xiran oo kor u dhaafaya 20-masuul loo haysto Musuq-maasuq,islamarkanaa baaritaanadooda ay soo dhamaadeen.
Xubnihii ugu dambeeyay ee la xiray ayaa kala ah agaasmihii guud ee Wasaarada Caafimaadka Somalia iyo agaasimaha waaxda Maamulka Maaliyada ee wasaaradaas.
Waxa uu sheegay in Labada masuul la xiray dhowaan markii looga shakiyey iney isdaba mariyeen lacago dowlada ugu talo gashay ka hortaga cudurka Coronavirus.
“Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee qaranka waxa ka go’an la dagaalanka musuqa iyo ku tagri falka hantida qaranka. iyadoo laga duulaayo Masuuliyaddaas Qaran” ayuu yiri xeer ilaaliyaha Qaranka,baaritaanku waanoo soo gebageboobay, cadeymihiina waa soo dhameystirnay, waxaan sugaynaa in heydaha garsoorka ay mudeeyaan xiliga uu bilaabanayo dhegeysiga dacwada” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

