Madaxweynaha Kenya oo Amray in la Xiro xadka Kenya la leedahay Somaliya iyo Tanzania

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa amar ku bixiyay in la xiro xuduudaha ay la wadaagto Kenya dalalka Somaliya iyo Tanzania.

Uhuru Kenyata ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in dalkiisu uu xiray xadka uu la leeyahay Somaliya iyo Tanzania,kadib markii toddobaadkii hore 78 ka mid ah darawalada gaadiidka xamuulka laga helay cudursidaha COVID-19, ka dib markii cudurkaasi laga baaray, dibna looga celiyay xadka.

Dhanka kale Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in 21-maalmood lagu kordhiyay bandowgii saarnaa afar magaalo, oo ay ka mid tahay Magaalada Nairobi,islamarkana bandowga uu sii socon doono ilaa 6-bisha june.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here