Inta la xaqiijiyay seddex ruux ayaa ku geeriyootay degmada Qardho ee Gobalka Bari kadib markii roobab lixaadleh oo tan iyo xalay ka da’ayay magaaladaas ay qaadeen dad shacab ah oo ku noolaa degmadaas.
Roobka oo ahaa mid xooggan kana da’ay Gobalka Puntland ay ugu yeerto Kar-kaar ayaa si xooggan u saameeyay dadka degaanka, waxaana uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Gaashaanle Dhexe Cabdi Caseyr Yuusuf ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay xaqiijiyeen in daadadka ay ku dhinteen Saddex Ruux,balse dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama weli dad maqan baadi goob lagu haayo.
Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ee Puntaland dhankooda waxaa ay sheegeen inay wadaan gurmad ballaaran,hayeeshee ay u baahan yihiin in la caawiyo maadaama daadadka ay yihiin kuwo xoogan.

